Mahdi Guuleed saaxiibkiis oo guuldaro culus maanta la kulmay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Doodo culus ayaa ka dhashay habka loo fasiran karo kuraasta golaha shacabka iyadoo fal celinta ugu badan ay tahay in lagu micneeyey in doorashada boob tahay.

Doorashada maanta lagu qabtay Muqdisho ee kuraasta gobollada wuqooyi ayaa inta badan lagu helay sidii la filayey oo Xildhibaano lasii ogaa ayaa lasoo saaray.

Dhabar jebin ayaase waxaa lagu sameeyey Cabdalla Xaaji Cali Axmed oo Kursiga Hop#257 ku fadhiyey aadna ugu dhawaa R/wasaare kuxigeenka Dalka Mahdi Guuleed Khadar.

Cabdalla ayaa habeeno ka hor kasoo muuqday kulankii loogu jawaabayey Cabdi Xaashi iyo Boqor buur madoow isagoo difaacayey R/wasaare Rooble,ballantuna waxay aheyd in lasoo saaro oo kursigiisa lala difaaco.

Hase ahaatee doorashadii Cabdalla Xaaji Cali uu la galay Nadra Saalax Cabdi ayuu waayey codkii uu filayey inkastoo wareegii labaad ay guuleysatay Nadra oo booskaasi dirqi ku heshay.

Shaki badan ayaa durba yimid oo ku aadan saameynta wareega labaad ee kursigaasi doorashadiisa xilli la leeyahay waa la qiyaamay Cabdalla Xaaji Cali oo filayey in si fudud loo siin doono kalsoonida.

R/wasaare Rooble weli war kama soo saarin doorashooyinka ka dhacay Garowe,Kismaayo,Baydhabo iyo Muqdisho xilli doorashada kuraas xubno loo xiray inta badan ay soo baxeen,kuwo kalena la sugayo in lasoo doorto maalmaha soo socda.

Warbaahinta Ayaamaha