Malaga yaabaa in Mahdi Guuleed uu waayo xildhibaanimo isagoo goordhow iska casilaya RW ku xigeenka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisal WasaareKuxigeenka Soomaaliya mahdi maxamed guuleed (Khadar) ayaa lagu wadaa inuu saacdaha soo socda iska casilo xilka uu ka hayo xukuumada.

Arintaan ayaa ka dambeysay markii habraac qodobo laga soo saaray maanta doorashada Xildhibaanada Gobollada wuqooyi uu ku jiray qodob dhigaya in uu is casilo Mahdi Guuleed.

Qofka utartamaya Kursiga golaha shacabka gobollada wuqooyi ayaa laga rabaa 7 cisho ka hor doorashada inta aanu gelin hadii uu xil hayo iska casilo.

Nabad & Nolol ayaa uxusul duubeysa in Xildhibaanimada baarlamaanka 11aad ay kusoo saarto Abuukaato Mahdi Guuleed si uu ololaha dib udoorashada madaxweyne farmaajo uga shaqeeyo.

Dad badan ayaa ku tilmaamaya in Mahdi Guuleed oo xildhibaanimo hela ay ka dhigan tahay awood muujin kale oo Nabad iyo nolol heli karto.

Kursiga Xuseen Carab Ciise ku fadhiyo ayaa ah midka Mahdi Guuleed Khadar uxusul duubayo inuu qabsado sida ay ubadan tahayna waa loo xirayaa kursigaasi.