Maleeshiyaad hubeysan oo weerar ku qaaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Maamulka Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay Ciidamo ka tirsan Hirshabeelle iyo kuwa uu watay Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere ku dhexmaray Magaalada Baladweyne.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Hiiraan ayaa waxaa lagu sheegay in xalay kolonyo galbineysay Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Hirshabeelle iyo Saraakiil Ciidan kana yimid degmada Feer-Feer ay rasaas xoogan ku fureen Maleeshiyaad hubeysan oo uu hoggaaminayey Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan oo Warsaxaafadeedka Akhriyay ayaa yiri “Iyada oo falalka nuucan oo kale ah ay caado u aheyd kooxaha Nabad diidka ah in kolonyo Dowladeed weerar lagu qaado waxuu Ahaa fal-Huwan halistiisa waxaane la Horgeyn doona Maxkamada awooda u leh Cidii ka Dambeeysay ayuu yiri” Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in falkaas kadib Ciidamada qalabka sida iyaga oo ka duulayo masuuliyada amni ee saaran iyo falka dhacay Ee lagu weeraray masuuliyiinta ku Guda jiray waajib Gudashadooda shaqo ay sameeyen howlgal lagu soo afjarayo Burcadii Jidka u gashay masuuliyiinta heer Maamul iyo heer Wasiiro, isla markaana la soo qabtay hub iyo Maleeshiyaadkii dagaalamayay. .

” Maamulka gobalka Hiiraan ee Dowlad Goboladeedka Hir-Shabeelle waxaa masuuliyad  ka saaran tahay ka Shaqeynta Amniga iyo xasiloonida guud ee Gobalka cidna laga Aqbali maayo khal-qal gelinta Amniga iyo xasiloonida magaalada Beledweyne  ayaa lagu yiri” Waka kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan.

Hirshabeelle ayaa sheegay inay mas’uuliyad ka saaran tahay ka shaqeynta amniga iyo xasiloonida guud ee Gobalka, isla markaana aysan  cidna laga aqbali doonin khal-khl gelinta Amniga Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.