Mali oo laga saaray ururka ay ku jiraan dawladaha galbeedka Afrika ee Ekowas

Madaxda wadamada galbeedka Afrika ee ku bahoobay Ururka Ekawos ayaa xubinimadii kala laabtay dalka Mali oo dhawaan uu ka dhacay Afgambi ay hor kacayaan Ciidanka xoogga ee Mali.

Kulan gaar ahaa oo ay hogaamiyaasha 15 wadan oo galbeedka Afrika ku yaala ku yeesheen magaalada Akkra ee dalka Ganna ayaa waxay sheegeen inay xubinimada ururka ka saareen dawladda Mali oo  illaa xukunka ay shacabka dib ugu celiso.

Wasiirka arrimaha dibbadda dalka Ganna Shaarli Ayorkor ayaa sheegay in xanibaadaan ay dalka Mali saarnaan doonto illaa February sanadka dambe ee 2022,ka markaasoo qorshuhu yahay in dalkaasi ay ka dhacdo doorasho madaxtinimo.

Dawladaha dariska la ah Mali iyo dawladaha kale ee caalamka ayaa ka walaacsan in xaaladda wadankaasi ay faraha ka baxdo kadib markii muddo 9 bilood ah uu ka dhacay afgambi ciidamadu sameeyeen.