Maraakiib dagaal oo laga leeyahay Maraykanka iyo Turkiga oo gaaray Israel

MUQDISHO-AYAAMAHA-Markab dagaal oo uu leeyahay dalka Turkigu ayaa markii ugu horraysay muddo ka badan toban sano wuxuu ku xidhay dekedaha dalka Israel, arrintan oo astaan u ah inuu soo hagaagayo xidhiidhka u dhexeeya dalka Israel iyo Turkigu.

Dhanka Markab kale oo dagaal oo isna laga leeyahay Maraykanka ayaa gaaray Woqooyi ee dalka Israel.

Markabkan oo lagu magcaabo TCG Kemalreis ayaa Axaddii wuxuu ku xidhay dekedda Haifa ee ku taalla dhinaca Woqooyi ee dalka Israel, oo xarun u ah ciidanka Badda ee dalkaas, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel ayaa sheegay in markabkani uu ka tirsan yahay hawlgalka isbahaysiga NATO, isaga oo ku jira mid ka mida hawlihiisa shaqo ee caadiga ah.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in markabkani uu ku sugnaan doono dekedda Haifa illaa iyo maalinta Salaasada ee toddobaadkan.

Ka dib sannado badan oo uu xumaa xidhiidhka u dhexeeya Turkiga iyo Israel, bishii August 17-keedii ee sannadkan ayaa labada dal waxay ku dhawaaqeen in si buuxda loo soo celiyey xidhiidhkoodii diblomaasiyadeed iyo weliba safaaradihii labada dal.

Waa markabkii dagaal ee ugu horreeyey ee ku xidha dekedaha dalka Israel tan iyo sannadkii 2010.

Xidhiidhka diplomaasiyadeed ee labadan dal ayaa xumaaday oo hakad ku yimi sannadkii 2010, ka dib markii ay ciidamada Isael ay weerar ku qaadeen Markab uu leeyahay dalka Turkigu iyaga oo ku dilay illaa 10 qof, markabkaas oo doonayey inuu soo afjaro go’doonkii ay Israel ku haysay marinka Gaza