Maraykanka oo cunaqabteyn kusoo rogay Soomaali ku eedeysan carqaladeynta doorashada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday iny xayiraad dhinaca socdaalka ah ku soo rogtay mas’uuliyiin hadda ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa horay uga tirsanaa oo lagu eedeeyay carqaladeynta geeddi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray geeddi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya oo la carqaladeeyo inay ka dhalan karto cawaaqib xun. Hadalkiisa ayuu jeediyay Talaadadii uu ke beegan hal sano markii uu dhmmaaday muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Mareykanka waxay marar badan walaac ka muujiyey dib u dhacyada iyo habraaca doorashada Soomaaliya iyo sameynta ballaaran ee ay ku yeelan karaan dimuqraadiyadda iyo xasiloonida dalkaasi.

“Waddada ugu wanaagsan ee Soomaaliya nabad waarto ay ku hanan karta waa dhammeystirka doorasho la isku halleyn karo,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Mareykanka wuxuu ku dhawaaqay dhaqangelinta siyaasadda ku xusan qodobka 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha dalkaasi ee xaddidaya soo saarista fiisaha dal-ku-galka madaxada hadda xilka hayso iyo kuwi hore ama shakhsiyaadka kale ee la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ay ku lug leeyihiin, tallaabba kasta oo wax u dhimeysay geeddi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Balse Mareykanka ma usan shacainin magacyada masuuliyiinta lala eegtay cunaqabateyntani.

Cunaabateyntaasi waxaa la sheegay in lala eegtay masuuliyiinta “ku lug leh rabshado ka dhan ah dibad-baxayaasha, xarig aan caddaalad ahayn ama caga-jugleyn loo geysto suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, ku-takri-falka geeddi socodka doorashada.” Xubnaha qoysaska dadka noocaasi ahna sidoo kale wuxuu Mareykanku shegay iney xannibaadahaasi saameynayaan