Maraykanka oo ka digay in Qarax kale uu Maanta ka dhici karo Kabul

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda wali ku sugan Afgaanistaan inay si deg deg ah uga baxaan agagaarka garoonka diyaaradaha Kabul, sababo la xidhiidha “halis qeexan oo ay ogaadeen” oo ah weerar ku soo aaddan goobtaaas.

Ciidamada Daalibaan ayaa hadda xiray dhammaan waddooyinka aada garoonka diyaaradaha ee Kabul, iyadoo kaliya loo oggol yahay in ay maraan baabuurta haysta ogolaanshaha.Mareykanka ayaa sii wada weli daadgureynta dadka ku sugan Afghanistan, balse ciidammadii ugu dambeeyay ee UK, diblomaasiyiin iyo saraakiil ayaa hadda ka baxay Kabul.

Weerarkan ayaa la sheegay suuragalnimiadiisa gelinka hore ee maanta oo axad ah.

Qarax ismiidaamin ahaa oo khamiistii ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ayaa sababay dhimashada ilaa 170 qof.

Ururka la baxay Dowladda Islaamka Khorasan (IS-K), ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas.