Maraykanka oo soo saaray farriin ku socota Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Hirshabeelle.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Goordhow ayaa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay soo saartay farriin ku socota Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Safaaradda Mareykanka qoraal kooban ku daabacday barta Twitter-ka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa marka hore lagula hadlay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maamulkiisa maalintii shalay aheyd soo gaba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka.

Safiirka Mareykanka Danjire. André ayaa maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle ugu baaqay inay soo dhammeeyaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad dowladda Federaalka ee ku harsan labadaas maamul.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa hore u soo gaba-gabeeyay maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Galmudug, waxaana shalay doorashada dhammeeyay Puntland, iyadoona la doortay dhammaan Xildhibaanada maamuladaas kasoo jeeda.

15-kii bishaan Maarso 2022 ayuu qorshahu ahaa in lasoo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka, balse mar kale ayey dib u dhacday doorashada markii waqtigaas lagu heshiiyay doorashada ku dhameeyn waayeen Jubbaland, Hirshabeelle iyo Puntland oo soo gaba-gabeeysay doorashada Golaha Shacabka oo muddo badan soo jiitameysay.