Mareykanka dhaleeceeyay hadal Erdogan uu ka yiri colaadda Israa’iil iyo Falastiin

Muqdisho-Ayaamaha-Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ka hadashay hadal dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ku saabsanaa colaadda Israa’iil iyo Qaza.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Erdogan u adeegsaday ereyo ka dhan ah dadka Yuhuudda isla markaana ay si xooggan u cambaareynayaan hadalladaas foosha xun.

Madaxweyne Erdogan wuxuu Israa’iil ku tilmaamay ‘dal dilaa ah’ xilli uu Isniintii ka hadlay dagaalka Israa’iil iyo Falastiin.

Wuxuu sheegay in go’aanka uu Mareykanka ku shaaciyay in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil ay sare u qaadi karto damaca Israa’iil ay dhiig badan ku daadin karto.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxweyne Erdogan iyo hoggaamiyeyaasha Turkiga inay ka fogaadaan hadallada horseedi karo qalalaasaha” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Waxaana sidoo kale loogu baaqay Turkiga in uu kusoo biiro dadaallada Mareykanka eek u aadan joojinta colaadda Israa’iil iyo Falastiin.

Madaxweyne Erdogan oo Isniintii ka hadlayay shir jaraa’id wuxuu sheegay “Arrinta ku saabsan in Mareykanka iyo dalalka ay ku dhawaaqeen in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil dabayaaqadii 2017-kii waxay sare u qaadi kartaa damaca dalka dilaaga ah ee ku saabsan dhiig daadinta”