MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Mareykanka kaga sugan Soomaaliya ayaa bilaabay qorshahooda bixitaanka, waxaana la sheegay inay u wareegayaan Saldhigyo kale oo ku yaal qaar kamid ah wadamada Bariga Afrika.
Sidda uu baahiyay Televionka CNN ee laga leeyahay Mareykanka waxaa la howlgeliyay Guddiyo la socda howlgallada Mareykanka ee Afrika si loo dejiyo Goobo kale oo ku yaal dalalka Afrika, sida Jabuuti iyo Kenya.
Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Jeneraal Stephen Townsed ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka oo ballaarin doonaan howlgaladooda Afrika si loo caawiyo dowladaha ay dhibaatada ku hayaan waxa loogu ueero Argagaxisada.
Ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya ayaa daad gureyntooda waxaa ka qeyb qadanaya Markab nooca dagaalka ah oo dhawaan mareykanka uu u soo diray Xeebaha Soomaaliya iyo kuwo lagu qaadayo Diyaarado.
Horaantii Bishaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa uu amray in Ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya inay ka soo baxaan, waxaana qorshaas uu qeyb ka yahay amarada uu doonayo in la fuliyo ka hor inta uu xilka ku wareejin Madaxweynaha Cusub ee loo doortay dalka Mareykanka..
Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya oo lagu qiyaasay in ka badna 700 oo Askari waxay fuliyaan duqeymo ay la beegsadaan Saldhigyada Al-Shabaab, waxaa ay tababaraan lana taliyaan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab..