Mareykanka oo caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan Somaliland

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu Somalia iyo Somaliland ku wajahi doono hal siyaasad oo ah tan Soomaaliya.

Sidoo kale Mareykanka ayaa intaas ku daray in socdaalka Muuse biixi ku tagay Mareykanka aysan waxba ka beddali doonin xiriirka iyo wadashaqaynta Soomaaliya iyo Mareykanka.

Khudbadad madaxwaynaha uu xalay ka jeediyay kulan uu soo qabanqaabiyay machadka The heritage Foundation ee dalka Mareykanka ayuu waxaa uu si wayn uga warbixiyay maraxaldihii ay Soomaaliland soo martay iyo caqabadihii ay ka soo gudubtay.