Mareykanka oo diyaarinaya qorshe Ciidamada ugu soo celinayo Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa gacanta ku heysa qorshe ay dooneyso inay dib ugu dirto Soomaaliya tiro ka mid ah ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, si ay gacan uga siiyaan ciidamada Soomaaliya la dagaalanka Maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Qorshahan ayaa haddii uu hirgalo, qeyb ahaan dib uga noqonaya go’aankii sida deg deg ah uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya, madaxweynihii hore Donald Trump bishii January ee sanadkan.

Trump ayaa Soomaaliya kala baxay inta badan ciidamada Mareykanka oo gaarayey 700 oo askari, wuxuuna ku reebay illaa 100 kaliya, kuwaas oo dhinaca tababarada ka caawinaya Ciidamada dowladda Soomaliya.