Mareykanka oo joojiyay shidaalka iyo gaaska uu ka iibsan jiray Ruushka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in Maraykanka uu Venezuela kala hadlay isbedal lagu sameeyo habka loo maamulo shidaalka dalkaas, si loo xoojiyo awoodda dhoofinta, isla markaana ay ku lug yeeshaan shirkado caalami ah.

Khudbad uu jeediyey Madaxweynaha Maraykanka ayuu ku sheegay in Xukuumada Maraykanka ka baaraandegayso sidii ay cunaqabateynta uga khafiifin lahayd dalka Venezuela, kadib markii uu Madaxweyne Biden shaaciyay inuu joojiyay shidaalka iyo gaaska uu dalkiisa ka iibsado Ruushka.

Mas’uuliyiin ka socda Washington ayaa Sabtidii la soo dhaafay gaaray caasimadda Caracas, halkaas oo ay wadahadal kula yeesheen xukuumadda Venezuele, iyagoo kala hadlay arrimo ay kamid yihiin sidii dalkaas shidaalka qaniga ku ah uu u haqab tiri lahaa baahidda tamarta ee Maraykanka.

Qiimaha shidaalka caalamka ayaa hadda gaaray meeshii ugu saraysay muddo 14 sano ah, waxaana la saadaalinayaa in uu aad sare ugu kici doono maalmaha soo socda.

Ruushka ayaa ah dalka saddexaad ee shidaalka ugu badan u dhoofiya caalamka, waxaana saamigiisa lagu qiyaasaa 10% shidaalka adduunka laga isticmaalo.

Arrimaha ay labada waddan ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ah in Maraykanka uu khafiifiyo cunaqabateynta uu Trump saaray Venezuela sanadkii 2019, sida uu sheegay wargeyska Wall Street Journal