Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ku dilay13 Xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo la kaashanayo Ciidamada dowladda Soomaaliya taliska Maraykanka ee Afrika uu qaaday 14-kii Bishaan weerar cirka ah oo ka dhan ah  Al-Shabaab oo kusoo weeraray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed meel  u dhow degaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay weerarkaas dhanka cirka ku dileen ugu yaraan 13 ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana aysan jirin khasaare soo gaaray shacabka.

“Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu dilay 13 ka tirsan  Al-Shabaab, isla markaana aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa weli ka go’an tahay  la dagaalanka Al-Shabaab si looga hortago weerarada dhimashada dadka rayidka ah oo ay ka geystaan Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2022 dib u bilaabay duqeymaha diyaaradeed oo uu ka fuliyo Gudaha Soomaaliya lana beegsado Saldhigyada Al-Shabaab, kuwaas oo u hakaday ammar uu bixiyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka intii uu talada hayay ee Donald Trump.