Mareykanka Oo Ka Hadlay Duqeyntii Ugu Horeysay 2021-ka Uu Ka Fuliyay Somalia

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska ciidamada Mareykanka ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa sheegay, in ayaga oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya, ay laba duqeyn ka fuliyeen Soomaaliya.

Duqeyntaan ayaa dhacay kowdii Janaayo ee sanadka cusub 2021-ka.

Taliska ayaa sheegay in labada duqeynba lala beegsaday dhismooyin ay Al-Shabaab ku leedahay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Africom ayaa intaas ku daray in qiimeyn la sameeyeey ay muujineyso in duqeymahan lagu dilay saddex ka tirsan Al-Shabaab, mid kalena lagu dhaawacay.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in duqeymaha ay burburiyeen lix dhisme oo ay leeyihiin Al-Shabaab.

“Qiimeynta hurddaca ah ee taliska waxay muujineysaa inaysan jirin cid shacab ah oo lagu dhaawacay ama lagu dilay howlgalkan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay AFRICOM.

“Duqeymahan waxay si cad u muujinayaan sii socoshada ballan-qaadayad aan u sameyno Soomaaliya iyo saaxiibadeena gobolka,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howlgallada AFRICOM Maj. Gen. Joel Tyler.

Weerarkan ayaa noqonaya kii u dambeeyey xili Mareykanka uu billaabay inuu Soomaaliya ka saaro ciidanka ka jooga, kadib amar kasoo baxay madaxweyne Donald Trump.

Ciidanka maraykanka ee jooga Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay 700 oo askari.