Mareykanka oo ka walaacsan ciidamada Shiinaha ee saldhigga ku leh Djibouti.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mas’uul sare oo Mareykan ah ayaa warbaahinta u sheegay in si dhow ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa joogitaanka ciidamada Shiinaha ee Jabuuti.

Mas’uulka ayaa intaas ku daray in saraakiisha Jabuuti ay walaacooda la xiriira joogitaanka militaraiga Shiinaha ay la wadaagi doonaan.

Mareykanka ayaa horay kaga cawday Ciidamada Shiinaha ee ku sugan Jabuuti oo bishii Maarso ee sannadkii 2018 dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah cabasho ugu gudbisay dawladda Shiinaha ka dib markii marar kala duwan la shiishay oo shoocaac lagu qabtay duuliyeyaasha Maraykanka.

Jabuuti waa dal yar oo ku yaala badda cas, balse waxa saldhigyo waaweyn oo ciidamo ah ku leh Maraykanka, Faransiiska iyo Shiinaha.

Saldhigga militariga Shiinaha ee Jabuuti.

Ciidamada Shiinaha

Shiinaha ayaa 1-dii Ogosto ee sannadkii 2017-kii si rasmi ah u furay saldhig miltari oo uu ku leeyahay dalka Jabuuti, kaas oo ah kii ugu horreeyay uu dalkaasi ka dhiso dibedda. Shiinaha ayaa billaabay dhismaha saldhigan sanadkii 2016-kii.

Kharasha ahaan wuxuu Shiinaha sheegay in dhismaha xaruntan ay ka baxday lacag dhan 590 million oo doolar.

Tiro ahaan militariga ku sugan ayaa lagu sheegay inay yihiin kun ilaa laba kun oo askri.

Waxa uu sheegay in saldhigaas uu gacan ka gaysan doono nabad ilaalinta iyo gargaarka banii’aadannimo ee Afrika iyo Galbeedka Aasiya.

Shiinuhu waxa uu ka mid yahay dowladaha daneeya isla markaana maal-gashanaya dalkan yar ee ku yaalla Geeska Afrika.

Xiriirka dublamaasiyadeed ee u dhexeeya Shiinaha iyo Jabuuti waxa uu bilaabmay 8-dii Janaayo 1979-kii.

Siyaasadda dib-u-habaynta iyo furitaanka ee Shiinuhu hirgeliyey 41-kii sannadood ee u dambeeyey iyo xidhiidhka uu la sameeyey waddamada Afrika sida Djibouti ayaa waxay hor seedday is-dhexgalka maamulka Beijing iyo caalamka.

Iskaashiga labada dal ayaa si habsami leh u socday muddo 41 sano ah. Markii kalsoonida siyaasadeed ee cilaaqaadkoodu uu sii kordhay, waxaa sidoo kale sii xoogeystay xiriirka labada dhinac.

Sida xaqiiqda ah, dhinacyadu waxay saxeexeen heshiis 2017, kaas lagu tilmaamay waa cusub oo u baryay labada waddan. Heshiiska ayaa u jeedkiisu lagu sheegay inuu yahay iskaashi istiraatijiyadeed.

Heshiiskaasi ka dib, maamulka Beijing ayaa saldhig milatari ka sameystay Jabuuti, saldhiggan ayaa noqday saldhigii ugu horreeyay ee rasmi ah oo ka baxsan xudduudaha Shiinaha. Sidoo kale, Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka Afrikaanka ah ee Shiinaha la saxiixday heshiis ku saabsan Mashruuca Waddada-Belt-Road.

Beijing waxa ay Jabuuti u aragtaa xarun ganacsi taas oo ay ugu wacan tahay maalgashiga Shiinaha ee dibadda iyo danaha dhaqaale ee qaaradda Afrika.

Sababta koowaad ee Shiinaha u daneynayay Jabuuti ayaa ah inay tahay goob istaraatiiji ah. Sababtoo ah Jabuuti, waxa ay ku taal mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka, waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee danaha dhaqaale ee Shiinaha.

Saldhigga militariga Mareykanka ee Jabuuti.

 Lloyd Austin

Jabuuti waxa ay martigalisaa tirada ciidamada militariga Maraykanka ugu badan ee Afrika jooga, waxayna ku suganyihiin saldhiga lagu magacaabo Camp Lemannier, kuwaasi oo tiradoodu gaarayso illaa 4,000 oo askari.

Camp Lemonnier waxaa markii hore aasaasay gumeystihii Faransiiska hase yeeshee saldhigan waxa ay Djibouti ka kiraysay Maraykanka 2002, iyada oo uu heshiiska ka mid ahaa isticmaalka madaarka iyo dekedaha.

Maxay tahay muhiimadda Jabuuti ay leedahay ee dalalkan waaweyn uga sameysteen xarumaha militari?

Jabuuti oo ku taalla cirifka Geeska Afrika, ayaa ah dalka ugu baaxadda yar qaaradda Afrika.

Si kastaba ha noqotee, u dhawaanshaheeda gobolka Bariga Dhexe, meesha ay ku taal oo ah marinka Bab-ül Mandeb, iyo muhiimada ay u leedahay waddooyinka marinka tamarta ayaa dalkan ka dhigay meel muhiim ah oo soo jiidata indhaha dowladaha waaweyn ee caalamka.

Juqraafi ahaan Jabuuti waxay ku taalla meel laga maamuli karo marinka badda cas iyo badweynta Hindiya; waxa kale oo ay isku xirtaa badda Aasiya-Pacific, Gacanka Faaris, iyo gobolka Geeska Afrika.

Waxaa sidoo kale lagu qeexi karaa in jabuuti ay ku taal albaabka laga galo badda cas, taas oo u oggolaanaysa inay noqoto marinka Waqooyiga Afrika iyo gobollada Bariga Dhexe.