Mareykanka Oo La Baxaya Gantaaladii Difaaca Ee Yaallay Dalalka Carabta.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Joe Biden ayaa waxay Gantaalladda Lidka Gantallada kale ee PATRIYOOTkala bixi doonan 4 Waddan oo ku yaalla Mandiqada Bariga Dhexe.

Wargeyska The Wall Street ee ka soo baxa Marayanka ayaa qoray in Tallabadaasi loogu dan leeyihiin in lagu yareeyo Awoodda Milliteriga Marayknka ee Gobalka Bariga Dhexe iyo Xiisddaha Iran kala dhexeeyo.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxaa la sheegay inay 8 Gantaalldda Lidka Gantaallada ee PATRIYOOTkala bixi doonan dalalka Sacuudiga, Iraq, Kuwait iyo Urdun.

Sidoo kale, Maraykanka waxay Sacuudiga kala bixi doonan Nidamka Difaaca Gantaalladda ee THAAD¸ kaasi oo Sacuudiga la geeyey xilligii Madaxweynihii hore ee Donald Trump.

Maraykanka waxay Gantaalldda Lidka Gantaallada ee PATRIYOOTiyo Ciiddamo geeyeen Sacuudiga, kadib, markii ay Diyaarado Daroonis oo Iiraan leedahay duqeeyeen Goobo shidaalka laga soo saaro oo ku yaall gudaha Sacuudiga sanadkii la soo dhaafay ee 2020-kii.