Mareykanka oo liiska argagixisada caalamka ku daray Cali Dheere iyo Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa laba hoggaamiye oo sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dartay liiska argagixisada caalamka, laga billaabo August 6, 2021.

Labada hoggaamiye ayaa kala ah Sheekh Cali Maxamed Raage oo loo yaqaan Cali Dheere iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo loo yaqaan Ikrima, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Xoghayaha Arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken.

Qoraalka uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibedda Maraykanka, Antony Blinken waxaa uu Xubnaha Alshabaab ee uu ku sheegay in lagu daray Liiskaasi ay kala yihiin: Cali Maxamed Raage iyo C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Blinken ayaa sheegay in laga billaabo maanta ay qasab tahay in la xanibo dhammaan hantida iyo danaha shaqsiyaadkan, laguna soo wargeliyo Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka.

Waxaa taas sii dheer, in qof kasta oo la macaamila shaqsiyaadkan isna lagu dari doono liiska argagixisada caalamiga, sida uu sheegay Blinken.

Dhinaca kale, Qoraalkaasi waxaa lagu soo bandhigay magacyada Hoggaamiyayaal ka tirsan Kooxda Daacish-ta ka dagaalanta dalka Mosombiik, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay: Bin Maadi Cumar oo ah Sarkaal sare oo Milliteri oo ka tirsan Faraca Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Mosombique.

Sidaanij Xayta iyo Saalim Walad Al-Xasan oo iyaagna ka tirsan Saraakiisha sarsare ee Kooxda Jamaacatu Nusra ee ah Faraca Al-qaacidada ka dagaalanta dalka Mali.