Mareykanka oo markii ugu horreysay qirtay in looga adkaaday dagaalkii Afghanistan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Labaatan sano oo dhiig iyo hanti Mareykan ah oo lagu kharash gareeyay Afghanistan kaddib ayaa Talaadadii Aqalka Senate-ka wuxuu muddo lix saacadood ah su’aalo ka weydiiyay saraakiisha ugu sarreysa ciidanka Mareykanka, iyaga oo qiray in dagaalkaas uu ahaa ‘guuldarr istiraaji ah.”

“Waxay ahayd guul xagga saadka ah, laakiin waa guuldarro istiraatiiji ah, oo ay dhici kartay in aan ugu dambeyntiina lagu guuleysan.” ayuu yiri taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, ahna sarkaalka ugu darajada sarreeya militariga Mareykanka General Mark Milley.

Wuxuu sharci-dajiyeyaasha u sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ee ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Kabul laga daadgureeyay 124,000 oo qof, oo ay ku jiraan ilaa 6,000 oo Maraykan ah.

“Natiijooyinka ka soo baxa dagaal noocan oo kale ah, waa natiijo guuldaro istiraatiiji ah – cadowga ayaa hada mas’uula Kabul; ma jirto si kale oo lagu sifeeyn karo arrinkan – natiijadaasi waxay ka timid natiijooyin 20 sano is biirsaday, ma aha 20 maalmood,” ayuu General Milley sii raaciyay.

Iyadoo su’aalo adag laga weydiinayay in Washington ay si kale u maareyn kartay howlgalkan si looga hortago in dowladda ay taageerto Mareykanka ee Afgaanistaan ay burburto oo ay kahortagto qabsashada Taalibaan, ayuu General Milley si qayaxan u sheegay in mar kasta xaaladda ka bixintaanku isku nooc ahaan laheyd.

Dhageysigan su’aalaha lagu weydiinayay General Milley, waxaa isna qeyb ka ahaa General Kenneth “Frank” McKenzie, oo ah taliyaha Taliska Dhexe ee Mareykanka, wuxuuna sheegay in marka loo eego heshiiskii Doha 2020, kaas oo u gogol xaarayay bixitaanka Mareykanka, uu “saameyn weyn oo nafsaani ah ku yeeshay” ciidamada Afghanistan, ayna dhici karto inay soo dedejiyeen burburkoodii.