Mareykanka oo Ukraine u diraya hub ay ku duqeyn karto magaalooyinka Ruushka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mareykanka ayaa Ukraine u diri doona gantaallo ka casrisan kuwii horay loo siiyay, si ay isaga difaacaan weerarka uu Ruushku ku hayo, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Joe Biden.

Hubkan oo ay muddo dheer codsanayeen madaxda dalka Ukraine ayaa la filayaa in uu ka caawiyo sidii ay ugu beegsan lahaayeen cadowgooda oo meelo ka fog fog looga shiishi karo.

Ilaa hadda, Mareykanku waxa uu diiddanaa in uu codsigaas fuliyo, isagoo ka cabsi qabay in hubkaas lagu duqeyn doono meelo ka mid ah gudaha dalka Ruushka.

Balse maanta oo Arbaco ah, Mr Biden waxa uu sheegay in gargaarkan militeri uu xoojin doono saamaynta ay xukuumadda Kyiv ku leedahay wadaxaajoodka kala dhaxeeya Ruushka, haddana ay u badan tahay in xal diblomaasiyadeed la gaaro.

Biden ayaa maqaal uu qoray oo lagu daabacay wargayska New York Times ku yiri: “Taasi waa sababta aan u go’aansaday in aan Ukraine siinno gantaallo aad casri u ah iyo rasaas u sahlaysa inay si toos ah oo cabir saxan leh u beegsadaan fariisimaha ciidamada dagaalka kula jira ee ku sugan gudaha Ukraine.”

Hubkan cusub waxaa ka mid noqon doona gantaallada shiishka toosan leh ee loo yaqaanno M142, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka – inkastoo uusan kala caddeynin tirada gantaallada loo diri doono Ukraine.

Gantaalladan ayaa loo adeegsan karaa duqeynta dhowr meel oo isku mar ah, waxayna gaari karaan fogaan dhan ilaa 70km (45 miles), waxayna ka tiiro dheer yihiin gantaallada ay hadda hayasato Ukraine.

Waxaa sidoo kale la aaminsan yahay inay ka cabir fiican yihiin gantaallada ay haystaan militeriga Ruushka.

Bishii lasoo dhaafay, Taliyaha militeriga Ukraine ayaa sheegay in gantaallada noocoodu yahay HIMARS ee hadda uu Mareykanku u dirayo ay noqonayaan “kuwo muhiim ah” ayna u sahlayaan inay isaga difaacaan gantaallada ay Ruushka kusoo weeraraan.

Mareykanka ayaa filaya in Ukraine ay hubkan gayso gobolka dhiaca bariga xiga ee Donbas, halkaasoo uu dagaalku sida xooggan uga socdo, ahna meesha loogu adeegsan karo in lagu bartilmaameedsado goobaha ay yaallaan gantaallada Ruushka ee lagu duqaynayo magaalooyinka Ukraine.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa aqbalay in la bixiyo gantaalladaas, iyagoo sheegay inay tallaabadaas qaadeen oo kaliya kaddib markii ay Madaxweyne Volodomyr Zelensky ka heleen damaanad qaad ku aaddan in aan gantaalladan loo adeegsan doonin in lagu duqeeyo magaalooyinka Ruushka.

“Uma dirayno Ukraine gantaallo ay ku weeraraan gudaha Ruushka,” ayuu maqaalkiisa ku qoray Mr Biden.