Mareykanka oo War ka soo saartay dagaaladii maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso

Sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa labo jeer la hadashay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni
Sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa labo jeer la hadashay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mareykanka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka maanta ka qarxay magaalada Booaaaso ee gobolka bari kaasoo u dhexeeya ciidamada PSF iyo kuwa daraawishta Puntland.

Safaarada Maraykanka ee magaalada Muqdisho oo war kooban soo saartay ayaa ku baaqday in la wada hadlo, wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo miiska.

Qoraalka oo lagu daabacay barta safaaradu ku leedahay Twitterka ayaa sidoo kale lagu sheegay inaan la aqbali karin xaaladda ka taagan Magaalada Boosaaso. loona baahan yahay dhinacyaa ay quseyso.

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso kaasoo u dhexeeya ciidamada maamul goboleedka Puntland iyo ciidamada la dagaalanka PSF ee maraykanku u tababaray la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish.

Dagaalka ayaa ka bilaabmay saaka agagaarka xarunta unugga PSF, waxaana la maqlayey rasaasta culus iyo duqayn.