Mareykanka oo war kasoo saaray doorashada Kenya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Mareykanka ayaa Talaadadii ku boorriyay shacabka Kenya inay is-dejiyaan oo ay dulqaad muujiyaan, maalin kadib markii William Ruto lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo, isaga oo isla markiiba loollan ku aaddan natiijada doorashada kala kulmay Raila Odinga oo la tartamay.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ka wada shaqeeyaan in si nabad ah loo xaliyo walaaco kasta oo harsan oo ku saabsan doorashada ayada oo loo marayo marinada lagu xailiyo muranada ee jira,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price

“Waxaan weydiisaneynaa dhammaan hoggaamiyayaasha xisbiyada siyaasadda inay sii wadaan inay taageerayaashooda ugu baaqaan inay nabadda ilaaliyaan ayna ka fogaadaan rabshadaha inta uu socdo hanaanka doorashada,” ayuu yiri.

Odinga ayaa waxaa si dirqi ah uga adkaaday tartankiisii shanaad ee uu ugu tartamayo xilka ugu sarreeya Kenya madaxweyne ku xigeenka Ruto, oo 55 jir ah, kaas oo Isniintii lagu dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha la doortay isaga oo kaga guuleystay codad dhan 230,000 oo cod, oo ah wax ka yar boqolkiiba laba tirada guud ee codadka.

Siyaasiga ruug cadaaga ah ee 77-jirka ah ayaa natiijada codbixintii 9-kii Ogosto ku tilmaamay mid “waxba kama jiraan” ah, balse wuxuu ka gaabsaday inuu si cad ugu dhawaaqo inuu dacwad u gudbin doono maxkamadda sare.

Waxa uu sidoo kale ku andacoodey in la khiyaanay tartamadii hore ee guuldarradu kasoo gaartay.

Ma jirto doorasho aan natiitiijadeeda lagu murmin oo ka dhacday Kenya, tan iyo 2022, waxaana murankaas uu horseeday dhiig daatay, waxaana rabshadihii ugu xumaa ee doorashada Kenya ay dhaceen kaddib codbixintii 2007-dii, markaasoo in ka badan 1,100 qof ay ku dhinteen rabshado u dhexeeyay qabaa’il iska soo horjeeda.