Mareykanku oo diiday in la baaro dagaalkii Israa’iil iyo Xamaas.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la baaro dagaalkii dhowaan dhex maray Israa’iil iyo Xamaas.

Guddiga ayaa ansixiyay qaraarka, oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah dalalka Islaamka.

Balse Mareykanka ayaa sheegay in go’aankan uu qalqal gelinayo hannaanka xasiloonida loogu soo dabaalayo gobolka.

Ugu yaraan 242 qof ayaa lagu dilay Gaza iyadoo 13 kalena lagu dilay Israa’iil 11-kii maalmood ee uu socday dagaalka oo soo afjarmay Jimcihii la soo dhaafay kaddib dhexdhexaadintii Masar.

Dagaalka ayaa bilowday kaddib toddobaadyo ay sii xumaatay xiisadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee Bariga Qudus taas oo sababtay in isku dhac uu labada dhinac ku dhex maro goobta ay Muslimiinta iyo Yahuudduba u aqoonsan yihiin inay barakeysan tahay.

Xamaas ayaa bilowday inay gantaallo ku riddo gudaha Israa’iil kaddib markii ay uga digtay inay goobtaas isaga baxaan, taas oo keentay in Israa’iilna ay aargoosi sameyso iyadoo gantaallo ku asqeysay Gaza.

Qaraarka, oo ay soo gudbiyeen Ururka dalalka Islaamka ee (OIC) iyo wafdiga Falastiiniyiinta, ayaa ku baaqaya in guddi baaritaan oo joogto ah loo saaro kaas oo ka war bixiya tacaddiyada ka dhaca Israa’iil, Daanta Galbeed iyo Gaza.