Markab ay dhowaan duqeeyeen Xuutiyiinta Yemen oo ku quusay Xeebaha Eritrea

Muqdisho-Ayaamaha-Markabka M/V Tutor, oo Xuutiyiinta ay la beegsadeen weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn 12 bishan June ayaa hadda lagu warramaya inuu si dhammeystiran ugu quusay meel aan ka fogeyn xeebaha dalka Eritrea.

Markabka oo burbur weyn uu ka soo gaaray duqeynta Xuutiyiinta ayaa shaqaalihii saarna laga dejiyay 15kii bishan June.

Xuutiyiinta ayaa markabkan oo laga leeyahay dalka Giriiga, kuna safrayay calanka Liberia ku eedeeyay inuu jabiyay xannibaada maraakiibta badeecadaha u sida ama xiriirka la leh Israa’iil ee bishii November ee sannadkii hore ay ku soo rogeen.

Waa markabkii afraad ee ku dega badda cas iyo gacanka cadmeed tan iyo intii Xuutiyiintu bilaabeen iney weeraraan maraakiibta ku soo jeeda ama ka timid Israel ee mareysa gacanka cadmeed iyo badda cas.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Markabka xamuulka qaada ee M/V Verbena oo laga leeyahay Ukraine uu ku deggay xeebaha dalka Jabuuti ka dib markii ay gantaal la heleen Xuutiyiinta Yemen.