Markab weyn oo shidaal sida oo ku soo xertay Dekadda Boosaaso

BOOSAASO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya markab weyn oo xalay ku soo xirtay dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo markabka uu 12-kii maalin ee ina dhaaftay taagnaa Bada.

Wararka la helayo ayaa intaas ku sii daraya in Markabka markii uu soo xirtay ay dekedda buux-dhaafiyeen gaadiidka shidaalka qaada, kuwaas oo shidaalka u kala daabulaya gudaha magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland, iyadoo Dekedda magaalada Boosaaso todobaadyadii la soo dhaafay aad mashquul u ahayd, waxaana ka dhoofayay xoolo loo iibgaynayay dalalka Carabta.

Dekedda magaalada Boosaaso ayaa todobaadyadii la soo dhaafay aad mashquul u ahayd, waxaana ka dhoofayay xoolo loo iibgaynayay dalalka Carabta.

Si kastaba, Dekedda Boosaaso oo hal markab wax ka badan uusan ku soo xiran karin, waxaa 2017 heshiis ballaarin lagula galay shirkadda DP World, taas oo illaa hadda aan wax ka qaban.