Maryan oo aheyd arday jaamacdeed oo u geeriyootay rasaas ay ciidamada dowladda ku fureen.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa saakay Isbitaalka Digfeer ku geeriyootay gabar kuliyadda caafimaadka dhiganeysay sanadkii ugu dambeeyey.

Maryan Maxamed Xersi waxaa ay u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray xabad uu askari kula dhuftay goor habeen ah 11-12-2021

Wararka ayaa intaas ku daraya in askariga oo ku sugnaa isgoyska Foleransa ee Wardhiigley, iyaduna waxay internship ku aheyd isbitaalka Aadan Abdulle Hospital.

Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday) Gudoomiye kuxigeenada Jaamacadda, dhammaan Hormuudyada Kuliyadaha, Maamulka, Macalimiinta, Shaqaalaha iyo Ardayda Jaamacadda Benadir ayaa tacsi u diray qoyskeeda.

Maryan waa qofkii 3-aad ee booliiska ay xabad ku dilaan muddo bil ah, iyada oo gabar iyo wiil kale lagu kala dilay Isgoysyada Banaadir iyo Zoobe.