Masuuliyiin badan oo ka hadashay geerida majaajiliistihii caanka ahaa ee Ajakis.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna ka hadlay geerida ku timid Marxuumka oo maalmahan ku xanuunsanayey Muqdisho.

Rooble ayaa ehellada marxuumka, bahda fanka, saxaafadda iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Jilaa Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).

“Allaha u naxariisto jilaagii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere oo ku magac dheeraa Ajakis oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, asxaabtiisii, bahda fanka iyo saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Rooble

Dhinaca kale  Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariiste Cabdi muriidi Dheerre Ajakis oo ka mid ah bahda fanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh “Alle naxariistiisa janno haka waraabiyo Cabdi Muriidi Dheere “Ajakis”, dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxayna Alle sabar iyo iimaan haka siiyo”

Abdiraxmaan Cabdishakuur “Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, asxaabta iyo bahda fanka ee uu ka baxay Allaha u raxmadee Cabdi Muriidi Dheere oo ku caan ahaa Ajakis) oo maanta Muqdisho ku geeriyooday. Ajakis wuxuu ahaa majaajiliiste hibo u leh maadaynta bulshada, gaar ahaan dhalinyarada”