Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Amni oo diiday inay ka qeyb galaan kulankii RW Rooble.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay, amniga doorashooyinka & guud ahaan dalka.

Duqa Muqdisho,Kuxigeenkiisa Amniga,Taliyaha Ciidanka Lugta,saraakiisha ka socotay Maxkamada ciidamada Qalabka sida iyo ciidanka Badda ayaana kulanka maanta ka dhacay xafiiska RW Rooble ka maqnaa.

Waxay xubnahaasi shalay xaadireen kulankii madaxweyne farmaajo shir gudoomiyey balse aysan maanta kulankii R/wasaare Rooble ay ka qeyb gelin.

Waxay aad ula dhacsan yihiin xubnaha maanta maqnaa Nabad iyo nolol islamarkaana waxay inta badan qaataan go’aanka xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Balse kulankii maanta ee lagu arkay xubnaha joogay waxaa ka mid ah Taliyaha Booliska general xijaar,Taliyaha booliska G/banaadir general farxaan qaroole,taliyaha xoogga dalka general Odawaa yuusuf raage iyo saraakiil kale oo isla shalay kulankii farmaajo ka qeyb galay.

Kulanka maanta R/wasaare Rooble shir gudoomiyey ayaa kii shalay uga duwanaa in saraakiisha AMISOM ay joogeen oo baaxad ahaan ay talisyada ciidanka iyo hogaaminta Amniga uu Rooble heysto.