Mas’uuliyiin ka hadashey geerida taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdishu waxaa ku geeriyooday Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Cabduqaadir Cali Diiriye (Gen. Subxaanyo).

Allah u naxariistee taliyaha ayaa magac iyo maamuusba ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku xanuun sanayay Magaalada Muqdisho, waxaana geeridiisa ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Cabduqaadir Cali Diiriye (Gen. Subxaanyo).

“Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed ayuu yiri” Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay geerida taliyaha waaaña uu yiri “Waxaan guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariistii Gen Cabdulqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo xaqii uu ugu yimid Magaalada Muqdisho.

Gen Subxaanyo waxaan ku aqaanay wanaag fara badan iyo dal jacayl, isagoo kaalin weyn kasoo qaatay halgankii adkaa ee aan usoo galnay in aan Dalkeenna ka xoreyno cadowga, soona celino rajadii Dowladnimo.

Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyska Marxuumka, Taliska Ciidanka Qalabka sida iyo guud ahaan saaxiibada Marxuumka, Allaha u naxariisto samir iyo iimaanna Allaha naga siiyo.”

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo ka hadlaya geerida taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa yiri.

“Anigoo ku hadlaaya magaca Dowladda iyo shacabka Galmudug, waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Gen. Cabdulqadir Cali Diiriye, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeenayaa ehelka iyo qaraabadii uu ka baxay, waxaan Eebbe uga baryayaa inuu ka waraabiyo janadul Firdowsa.

Saacadaha  soo socda ayaa waxaa la filayaa in la Aaso meydka Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Cabduqaadir Cali Diiriye (Gen. Subxaanyo), iyada oo ay Aaska ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin kala duwan.