Masuuliyiin ka tacsiyeysay geerida Marwada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa dalka Imaaraadka ku geeriyooday Allaha u naxariistee marwadii koowaad ee Qaranka Xaawo Cali Samtar oo aheyd marwaadii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Geerida ku timid Xaawo Cali Samtar ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah qoyskeeda, iyagoona sheegay in marwadii koowaad ee Qaranka Xaawo Cali ku geeriyoodat dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya, Madaxda maamul Goboleedyada iyo Mas’uuliyiin kale oo aad u farabadan ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid marwaadii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Sidookale Madaxweyne Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar.