Maxaa Amniga Muqdisho u sii xumaaday Markii la doortay Xasan Sheekh?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guud ahaan Magaalada Muqdisho waxaa si aad ah looga dareemayaa amni darro baahsan ooka jirta qeybaha kala duwan ee degmooyinka gobolka Banaadir kadib markii l doortay dowladda cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa amni darrada abuuray waxaa kamid ah, ciyaal weero, tuugada noocyadeeda kala duwan, qaar kamid ah ciidamada dowladda oo lagu tilmaamay inayqeyb ka yihiin iyo kuwa kale ee isticmaala Maandooriyaha.

Intabadan way isku xiran yihhin tuugada qaar iyo ciyaal weerada oo ciyaal weerada markoodii hore waxaa loo aas aasay in ay xaafadaha tuugada ka ilaaliyaan, iyagii ayaa hadana isu badalay kooxo maandooriye isticmaala oo arxal laabayaal ah.

Dhanka kale amni darrada ka jirta Muqdisho xoogeeda waa laga bilaabo Mirinaayo ilaa Hotol Towfiiq xaafadaha gidiga kale ka jiro, ama waa laga soo bilaabo afafka hore ee shabeelada dhexe ilaa wadada 30-ka, si kale haddii aan kuugu sheego waa Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa goobaha ugu daran.

Si kastaba amni darrada Waqooyiga Muqdisho waa intaas iyo ka badan, waxaana lamid ah degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynlay, waana meelaha ugu daran xiligaan 5-taas degmo, inkastoo degmooyinka kale ka dhacaan dhac iyo dil hadana ma badno markii loo eego kuwaan.

No photo description available.

Dhibka jiro iyo waxa sabab u ah.

1) Waqooyiga Muqdisho waxay Saldhig u noqotay qof kasta oo dilaa ah, askari kasta oo baxsad ka ah dowladda, waxayna ku dhawyihiin in ay isu dhigmaan dadka shacabka ah iyo kooxaha tuugada. Dhamaan kooxahaas burcada ah oo isticmaala Maandooriye kasta waa fakad ma tagi karaan goob aan halkaas aheyn mana jirto wax lacag ah oo soo galo ilaa ay dad dhacaan.

2) Saraakiil katirsan dowladda gaar ahaan Milateriga oo heesto cudud ciidan oo ballaaran dhaxdoodana uu ka jiro dagaal iyo khilaaf adag ayaa sidoo kale ka jiro degmooyinkaas. Saraakiishaas oo ciidankooda dadka ku fasaxay waxay halyeeyo u yihiin qabiilada ay kasoo jeedaan mana loo dhawaan karo.

3) Dadka degaanka waa bulsho hurudo, waa bulsho waxa dhacaya aysan xanuun ku heynin ilaa gurigiisa soo gaarto, waa bulsho aqoon-yahaankooda iyo odaygooda mid kasta uu cabsi ku noolyahay waxna uusan ka dhihi karin.

Waxaan hubaa in degmooyinkaas amni darro looga guuray, hadana looga guuri doono. Weriyaashu haddii ay ka hadlaan dhibka halkaas ka jiro waxaa eed kala dul dhaco 3 koox, waana midda aan la yaabay.

Arrintaan ayaa si aad ah u soo korortay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoona iska indho tirey dhibaatooyinka ay dadka shacabka ah wajahayaan maalin walba.