Maxaa Baydhabo ku dhexmaray Shariif Sakiin iyo Laftagareen?

Sakiin iyo Laftagareen

BAYDHABO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada kume gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Madaxweynihii hore ee Koonfurgalbeed Shariif xasan Sheekh Aadan ayaa dib ugu laabtay saddex sano kaddib markii iska casilay xilka Madaxweynaha Maamulkaas oo culeys xoogan kala kulmay Farmaajo.

Shariif Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiinta maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta ayaa Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Shariif Xasan iyo wafdigiisa oo la dejiyay guri ku dhow Madaxtooyada Baydhabo.

Sakiin iyo Laftagareen
Sakiin iyo Laftagareen