Maxaa Caawa ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble iyo wararkii u dambeeyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka inaga soo gaaraya Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in caawa laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoog leh oo kusaabsan isbadelo ka dhacay xafiiskaasi.

Isku shaandheyn golaha wasiirada qaar ayaa lasoo tebinayaa inay jiri doonto iyadoo Wasiirada Qaar Xilkooda ay waayi doonaan.

Warar ayaa sheegaya in wasiiro ka ag dhawaa madaxweyne farmaajo ay suurta gal tahay in xilkooda ay waayaan iyadoo taasi ay caqabad sii gelin karto arinta dhex dhexaadinta la sameyn lahaa.

Dhinaca kale Murashax Madaxweyne oo ka mid ahaa dhinacyada Madaxtinimada Soomaaliya raadinayey ayaa laga yaabaa in xil culus looga magacaabo hay’adaha Dawlada Soomaaliya midood.

Arrintaan ayaa lag yaabaa inay sii huriso khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooblr dibna u sii dhigto doorashada Soomaaliya.