Maxaa dhici karo haddii xildhibaanimada Yaasiin Fareey & Mahdi Guuleed meesha laga saaro.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisal Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday 7 xubnood oo ka mid ahaa guddiga xalinta khilaafaadka dooraashooyinka ku macneeyay kalsoonidii lagu qabay ay yaraatay oo ay xad gudub sameeyeen.

Sidoo kale Xubnaha Xilka laga qaaday oo ka tirsanaa Gudiga Xalinka khilaafaadka doorashooyinka Dalka guddigaasi ayaaiyagana sheegay in cadaadis lagu hayo,how shooda ay qabsan kari waayeen.

Hadaba Su’aasha laysweeydiinaayo ayaa ah maxaa laga yeelaya Kuraastii Golaha shacabka ee ay Asixiyiinta Xubhinihii Xilka kaaqadista lagu sameeyay?

Rooble wuxuu eryey xubno uu ku eedeeyey inay khaladaad galeen hase yeeshee ma uusan sheegin waxa laga yeelayo khaladaadkii dhacay iyo haddii dib loo saxayo iyo haddii kale.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxmaed Ibraahim Macalimow ayaa sheegay in aan dib loogu laaban doonin doorashada horey u ansaxiyeen Guddiga Khilaafaadka, taasoo micnaheedu yahay in Yaasiin Faray iyo Mahadi Maxamed Guuleed ay yihiin Xildhibaano rasmi ah oo kuraastooda lagu laaban doonin.

Arrin ayaa loo micneeyey in Madaxweyne Farmaajo lagu dejin karo, haddii kale uu keeni karo khilaaf kaloo hor leh oo la micno ah markii xilka laga qaaday Agaasimahii hore ee Hay’adda NISA ee Fahad Yaasiin, waana sababto loo dhaafay labadan kursi.