Maxaa hadda ka socda Teendhada Afisiyooni?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen, taas oo ay u tartamayaan musharixiin dhowr ah.

Doorashada ayaa ka dhacaysa Teendhada Afisyooni, waxaana fariin wargelin ah loo diray xildhibaanada, iyada oona dhanka kale si weyn loo adkeeyey ammaanka wadooyinka gala xeradaasi.

Waddooyinka soo gala garoonka xerada Afidiyooni ayaa sidoo kale saakay xiran, waxaana waddooyinkaasi la dhigay ciidamo isugu jira milatari iyo booliis kuwaa oo celinaya gaadiidka dadweynaha.

Teendhada ay ka dhaceyso doorashada ayaa lagu wadaa in ay gaaraan xildhibaanada wax dooranaya iyo musharaxiinta, waxaa sidoo kale la filayaa in xaruntaasi tagaan masuuliyiin iyo wakiillo katirsan beesha Caalamka.

Sida aan wararka ku helnay ammaanka teendhada Afisiyooni waxaa la wareegay ciidamada ATMIS ay la shaqeenayaan ciidamada ilaalada Ra’isul Wasaare Rooble, waxaa sidoo kale teendhada kusii sugan oo shaqo ka wada shaqaalaha xafiiska Rooble.

Doorashada waxaa ku tartamaya musharaxiin badan oo isku soo taagay guddoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa kuxigeen, waxaana musharaxiinta saacadihii lasoo dhaafay wadeen olole aad u xoogan ay ku kasbanayeen codadka xildhibaanada.