Maxaa Iska Bedelay Mowqifka Itoobiya Ee Ku Aadanaa Soomaaliya?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya Dina Mufti oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Addis Ababa ayaa wax laga weeydiiyay booqashadii uu dhowaan halkaas ku tagay amadaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Afhayeen Dina Mufti ayaa wax laga weydiiyey
booqashada Madaxweyne Biixi inay dhaawici karto xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay. “Ma jirto wax isbadal ah oo ku dhacay moowqifkeenii Soomaaliya ku aaddanaa, mana doonayno in imaanshaha Biixi ay dhaawacdo xiriirka nalaga dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya”.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhowaan booqasho uu tagay Itoobiya dib ugu laabtay Hargeysa, waana booqashadii koowaad tan iyo intii uu dagaalka ka biloowday Itoobay.

Dhanka kale guddooomiyaha xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa isna lagu warramayaa in safar ugu anbabaxay dalka Itoobbiya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somailand, Dr Ciise Kayd Maxamuud, oo ka hadlay safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xilliga ay tageen ay ahayd xilliga ugu munaasibsan oo ay safar ku tagi karayeen dalka Itoobiya.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamey in kulanka dhex marey wefdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi, iyo ra’iisal wasaarahaha Itoobiya loogga hadley dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka mandiqadda Geeska Afrika.

Dhanka kale wasiirka ayaa ka jawaabay su’aal ahayd in wada hadallada ay ka mid yihiin arrinta dekeda Seylac ayuu wasiirka iska fogeeyay arrinkaas , “Waa arrin aanan sal iyo raad ah lahayn, nin weriye ayayna ka timid markii hore”.

Hadalhaynta Seylac ayaa maalmahan baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha haysatay, balse ma jiro illo rasmi ah oo arrintaasi xaqiijinaya, waana markii koowaad oo ay Somailand beeniso tan iyo inta safarka madaxweynaha soo baxay.