Maxaa ka dhalankara fasaxa Wasaaradda Amniga ee dibadbaxa khamiista?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaarada amniga Soomaaliya oo uu Wasiirka ka yahay Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaacisay inay fasaxday Banaanbaxa berri ka dhacaya Muqdisho, kaas oo ah mid lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Rooble loogana soo horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga oo ku taariikheysan 10-kii Bishaan ayaa waxaa lagu sheegay in banaanbaxa ay Wasaaradda ka codsadeen Golaha Bulshada Banaadir in hay’adaha amniga ay amnigooda sugaan inta ay banaanbaxa oo ay ku muujinayaan dareenkooda siyaasadeed & taageerida dardar gelinta doorashooyinka dalka.

Qoraalka Wasaaradda amniga ayaa lagu shaaciyay in banaanbaxa uu ogyahay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Filish, iyada oo shalay uu Maamulka Gobolka sheegay in aan la aqbali dooni banaanbaxa, waxaana la faray Saraakiisha Hay’adaha Amniga inay sugaan Amniga banaanbaxayaasha.

lama oga sida uu noqon karo xaalka Magaalada Muqdisho ee la xiriira banaanbaxa, iyada oo la ogaa in Bishii Abriil ee sanadkii tegay ee 2021 Muqdishoagu rasaaseeyay Shacab iyo Xubno kamid ah Midowga Musharrixiinta oo banaanbax dhigayay.