Maxaa ka jira in Agaasime Mahad Salaad uu Mushaarkii ka jartay Shaqaalaha Hay’ada NISA?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar lagu kalsoonan karo oo laga soo xigtay masuuliyiin katirsan Hay’ada NISA waxaa isbadel lagu sameeyey qaabkii ay ciidamada iyo saraakiisha ushaqeyn jireen tan iyo markii hogaanka cusub la wareegay xukunka.

Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad oo tan iyo markii la magacaabay iska qariyey baraha bulshada iyo qalabka warbaahinta uu hore ku badnaan jiray ayaa la yimid falsafad uu ku doonayo in hay’ada ka dhigo mid hormarsan.

Mahad salaad ayaa dalacsiiyey dhalinyaro dhowr ah oo qaarkood hore ushaqeenayey kuwo kale oo cusub ayaana hay’ada kusoo biiray haba lagu xanto in ay ku beel yihiin Agaasime cusub.

Sheekada cusub ayaa ah in la dhimay ama la yareeyey tirada ciidamadii ilaalada shacabka ahaa iyo kuwa kale ee xarumaha gaarka ah ee degmooyinka ka howlgalayey kuwaas oo hadda hoos taga talis ahaan Muxuyadiin warbac oo ah Taliyaha NISA Ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa la yareeyey lacagtii ama mushaaraadkii ay qaadan jireen Saraakiisha ciidamada ee darajada aqoonta iyo shahaadada ay wataan lagu kala xulan jiray.

Tusaale Shaqaalihii heystay Shahaadada Master Degree waxaa laga dhigay Mushahaarkiisa hadda iyo kadib lacag dhan $550 Dollar, halka markii hore ahayd $1,000 ilaa $1,500 dollar.

Shaqaalihii shahaadadoodu aheyd Degree waxaa laga dhigay $350 dollar, halka markii hore ahayd $700 ilaa $1,000 Dollar.

Xirfadlayaasha kaduwan labada qeybood ee hore,  oo lagu qiimayn jiray aqoontooda,iyo khibradooda gaarka ah mushahaar ahaana qaadan jiray, inta u dhaxaysay $500 ilaa $1,000 dollar hadda waxaa lagu soo koobay $200 Dollar oo ay ka wada siman yihiin ama dhamaantood waa isku lacag.

Tusaalaha kale hadii Shaqaale qaabilsanaa dhinaca xuuraanka (Ama sirdoonka ah) oo qaadan jiray gunno joogto ah, oo iyagana lagu soo koobay mushahar dhan $400 dollar.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in Agaasime Mahad Salaad uu gabi ahaanba joojiyey shidaalkii ay lahaayeen saraakiisha howlgalada, degmooyinka iyo kuwa dabagalka, mana cada ilaa hadda meel loo leexiyey lacagta la jaray, xili Miisaaniyadii u dambeysay ee Dawlada Soomaaliya sanadkaan 2022-ka ee baarlamaanku ansixiyey lacag dheerad ah loogu daray Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Ee NISA.

Dadka ariamha ciidamada bartay gaar ahaan Sirdoonka waxay tani ku tilmaamayaa in Mahad iyo Saaxiibadiis ay dhaqaale badan kaga heli karaan oo dhexda ay kaga faa’iidi doonaan maadaama isla xisaabtan adag jiri karin oo dalka xisbiga UPD hogaankiisa ay maamulaan isagana uu ka mid yahay shakhsiyaadka xisbiga kusoo caano maalay Dawladii 2012-ilaa 2017 dalka xukumeysay mar kalena Mahad Salaad uu helay fursad weyn sida la sheegayo oo ah Sirdoonkii Soomaaliya in madax looga dhigay..