Maxaa Ka Jira In Ciidamo Ay Hareereeyeen Xaafadaha Ay Deganyihiin Musharraxiinta Mucaraadka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamo lagu hareereeyey xaafadaha u dhow Hotel Jaziira oo saldhig u ah hoggaamiyeesha mucaaradka dalka.

Meelaha ay ciidamda lagu arkay ayaa waxaa kamid ah Laami yaraha Zoobe, wadada Ceel Qalaw, Macruuf, Soomaali Airline iyo sidoo kale jid-cade walba ee ka soo bilowda oo dhaca dhanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Xaafadahaasi waxaa intooda badan degan musharraxiinta, sida madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mudane Xasan Cali Khayre  iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli inta badan musharraxiinta mucaaradka ay ku sii jeedaan magaalada Nairobi oo ay shir kula yeelan doonaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka.