Maxaa ka jira in Ciidanka Gorgor ay ka dagaalamayaan Magaalada Boosaaso?

BOOSAASO-AYAAMAHA-Cabdiqani Deera-dile oo ah Duqa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay dagaalka ka socda magaaladaasi in dowladda Federaalka ay ka dambeyso dagaalka.

Waxaa uu sheegay in dagaalka Saaka ka bilowday Magaalada boosaasa ay ku lug leedahay  Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay sheegay in Ciidanka Gorgor ay hoobiyeyaal ku garaaceen xaafado ka mid ah Magaalada,kuwaasi oo khasaaro gaarsiiyay dad shacab ah oo guryahooda ku sugnaa.

Duqa Magaalada Boosaaso ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay dagaalka ka socda magaaladaasi.

Sidoo kale dagaalka, qaxa iyo xaaladda cakiran ee Boosaaso dusha ka saaray Taliyihii Xilka laga qaaday ee Ciidanka PSF ta, isagoo tilmaamay in  uu mas’uul ka yahay dadka waxyeeladu kasoo gaartay dagaalkaasi iyo dadka danyarta ah ee guryahoodii isaga barakacay manta. PSF ta.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijinkaro hadalka Duqa Magaalada Boosaaso, balse waxaa jira khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana jiray in PST-ta Puntland ay garab ka heli karaa ciidanka Dowladda Soomaaliya hadii uu dagaalka dhexmaro iyaga iyo ciidanka daraawiishta Puntland.

Tan iyo markii xilkii laga qaaday Talihii Ciidanka PSF ta Puntland waxaa isi-soo tarayay iska hor imaadyada iyo khilaafka Cirka isku sii shareraya ee u dhexeeya Taliska PSF ta iyo Madaxtooyada Maamulka Puntland.