Maxaa ka jira in dhoofinta Xoolaha Soomaaliya loo xiray Shirkad Ajanabi ah?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in dhoofinta xoolaha Soomaaliya loo xiray Shirkad Ajanabi ah taas oo laga leeyahay dalalka Carabta, iyadoo meesha laga saaray shirkadaha ganacsatada Soomaaliyeed oo markii hore xoolaha dhoofin jiray.

Qorshahan dhoofinta Xoolaha Soomaaliya ee shirkadan ayaa ku salaysan dano dhaqaale oo gaar ah, waxaana ku shirkoobey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ganacsade Carab ah.

Ninkaan loo xiray dhoofinta Xoolaha Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Abu Yasir waxaana la sheegay qof aan ogolaansho ka heysan in aanu xoolo ka dhoofsan karin Dekadaha Muqdisho, Kismaayo, Bosaaso iyo Berbera.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa warqad u qortay Dowladaha Carabta oo ay ugu horreyso dowladda Saudi carabiya, warqadas oo lagu cadeeyey in Shirkadda Abu Yasir kaligeed heysto ogolaanshaha Dowladda Soomaaliya ee dhoofinta xoolaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasah Sheekh ayaa la sheegay in halkii neef ee shirkadan ay dhoofiso uu lacag ku leeyahay, tusaale halkii neef ee Ari ah oo la dhoofiyo wuxuu ku leeyahay $4 sidookale halkii neef ee Lo’da ah wuxuu ku leeyahay $8 halka halkii neef ee Geel ah ee la dhoofiyo uu ku leeyahay $10.

Dowladii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa shirkadan isku dayday in sidaan oo kale loogu xiro dhoofinta xoolaha Soomaaliya taas oo sababtey in Wasiirkii Xanaanada Xoolaha ee xiligaas shaqada looga eryey kadib markii ganacsatada xoolaha dhoofisa iyo maamullada Dalka ka jira ay ka soo dacwoodeen, islamarkaana loo xaliyay sidii ay rabeen ganacsatada xoolaha iyo maamullada Dalka.