Maxaa ka jira in Garbahaareey laga wareejiyey doorashada golaha shacabka?

Doorashada xildhibaanada Maamulka Jubbalamd

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta doorashooyinka SIET Ee Jubbaland ayaa warar aan helnay waxay sheegayaan in ay shaacin doonana saacadaha soo socda Jadwalka Doorasho kuraasta taalla garbahaareey.

Macluumaad si hoose loo ogaaday ayaa lagu ogaaday in 16-ka Kursi doorashadooda loo wareejin doono Kismaayo maadaama garbahaareey la xaqiijin waayey in doorashada ka dhici karto.
Guddiga doorashada Jubbaland ayaa iclaamin doona habraacyada doorashada deegaan ahaan loogu talo galay inay ka dhacdo Garbahaareey balse la wareejin doono.

Warar kale ayaa warqaad usheegay in Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal ay shaacin doonaan Jadwalka doorashada kuraasta Garbahaareey loogu talo galay inay ka dhacdo.

Xafiiska R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa wax ka og arintaan,iyadoo xaalada ay kasii dari karto hadii sida la qorsheeyey ay dhici karto.

Hadii ay dhab noqoto in garbahaareey laga wareejiyo deegaan doorashada waxay noqoneysaa magaaladii keliya ee ay doorashada ka dhici weysay marka la eego Magaalooyinka kale ee dawlad gobolleedyada oo doorashada ka dhacday dhamaantood.