Maxaa ka jira in Hoteel uu leeyahay MD Xasan Sheekh uu in muddo sanado ah u xiran yahay canshuur lagu yeeshay?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muddooyinkii dambe waxaa baraha bulshada lagu faafiyey warar ah in Hoteel uu leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku yaala dalka Tanzania uu in muddo ah u xiran yahay oo arimo canshuur lagu yeeshay.

Hoteelkaan oo lagu magacaabo TANSOMA ayaa ku yaalla Dalka Tanzania,waxa uu ka kooban yahay qiyaastii 9 biyaano,waa hoteel nuuca raaxada ah.

Ilo kusugan Waddanka Tanzania ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dalbaday dhigiisa Dalka Tanzania Samia Saluhu Hassan uu ka codsaday in dib loogu ogolaado hoteelkiisa inuu shaqo bilaabo.

Sanadkii 2017 ayaa canshuur dheeraad ah lagu yeeshay Hoteelkani sidaas awgeed Madaxweynihii dalkaasi xukumayey John Magafuli ee sanadkii hore geeriyooday ayaa shaqada joojiyey.

Warar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh hadda loo fasaxayo dib uhowl bilaabida Hoteelkiisa Tansoma oo ku yaalla Magaalada Daaru salaam Ee Dalka Tanzania.