Maxaa ka jira in Itoobiya ay qorsheyneyso in hub nukliyeer ah ay ku weerarto Masar?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waa arrin kale oo si weyn loo faafiyay taas oo muujineyso xiisadda ka dhex taagan Itoobiya iyo qaar ka mid ah dalalka deriska, ee ku saabsan muranka ka dhashay biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.

Waa guulaha uu sida weyn ugu faano Abiy Axmed, balse buuxinta biyo xireenka ee Itoobiya iyo saameynta ka dhalan kartaa, waa arrin muran badan dhalisay.

Bog Facebook ah oo laga leeyahay dalka Masar ayaa daabacay warar aanan la hubin oo ku saabsan khilaafka ka dhashay biyo xireenka. Wuxuu qoray in Itoobiya ay qorsheyneyso in Masar ay ku weerarto hub nukliyeer ah.

“Waxaa naadir ah in ay soo baxaan warar dhowr ah oo muujinaya diyaargarowga ay Itoobiya ugu jirto sidii ay hub nukliyeer ah ugu garaaci laheyd Masar ka dib khilaafka ka dhashay biyo xireenka,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu soo daabacay boggaas.

Itoobiya ma heysato hub nukliyeer ah, mana jiro dal Afrikaan oo hadda heysto hub nukliyeer ah.

Inta badan dalalka qaaradda waxay ka qeyb yihiin ololaha looga hortagayo in dunida ay yeelato hub nukiyeer ah, waxayna dalalka ballan qaadeen in aysan yeelan doonin hubka nukliyeerka.