Maxaa ka jira in Khaliil Bashiir uu ‘gabar darteeda’ u waashay?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Khaliil Bashiir Maxamud oo kunool dalka Maraykanka ayaa sacadihiisa la soo dhaafay waxaa uu qabsaday baraha bulshada, isagoo qaadaya heeso jaceyl, waxaana la sheegay in gabar ay balanta uga baxday kadibna uu waashay.

Khaliil Bashiir waxaa dhalay Barbaariye Macalim Ustaad Bashiir Maxamuud oo ah macalin wanaagsan oo caruurta waxbara isagoo muuqaalo ka soo gudbiya TV-yada ka shaqeeya arrimaha bulshada sida Astaan TV iyo Bille Media, wuxuuna si gaar ugu soo muuqdaa chanels caruurta.

Gabar lagu magacaabo Badriya Axmed oo sida la sheegay ah gabadha uu darteeda u waashay ayaa muuqaal ay soo duubtay waxay ku sheegtay in iyadu aan aheyn gabadha balanta uga baxday Khaliil oo weli ay saaxibo yihiin ayna jeceshahay.

“Aniga gabar Soomaaliyeed baan ahay magacayguna waa Badriya Axmed baa la yirahdaa Khaliil baa asxaab nahay, wanaag ma ahane wax xumaan naga dhaxeeyey majirto, muddo waan is naqaanaa ilaa seddex sano, xiriirkeena dhabta ah wuxuu socday ilaa sanad, sagaal bilood ama toban bilood, wiilkaas isagoo wanaagsan baa igu dambeysay labo bilood baa waayey, habeen dhaweyd inta aan lasoo shaacbixin ayuu isoowacay isagoo xaaladiisa aan fiicneyn, waan waayey hadane isagoo aan fiican oo meelaha wareegayo ayaan arkay” ayey Badriya Axmed.

Mar ay ka hadlaysay dadka baraha bulshada caanka ka ah ee faafiya xumaanta ayey tiri “Niman waaweyn oo social media caan ka ahay ayaa soo qaateen waxay dhaheen gabar baa inta lacag ka qaadatay jaceyl uga baxday, in sumacadeyda lagu ciyaaro ama tiisa lagu ciyaaro ma ahan, wiilkaas wuu xanuunsan inaan uwada duceyno ayuu mudan yahay”

Iyadoo ka hadlaysa wanaaga Khaliil ayaa waxay tiri “Khaliil waa qof iimaan leh oo qalbi wanaagsan oo muslim ah oo qalbi wanaagsan baan ku tirinayaa oo dadka inta wanagsan qof ugu wanaagsan ayuu ku jiraa oo qalbi saafi ah oo allah ku xiran oo risqiga ilaahay siiyey ku qanacsan, aniga iyo isagana dad saaxibo ah ayaan nahay manihin dad is shukaansado keliya, waxaan nahay dad walaalo ah ayaana aheyn”

 

Dadka u dhow Khaliil Bashiir oo saaxibo ay ahaayeen waxay sheegeen in Khaliil aan gabar balan uga baxday iyo Gabar xumeeysay midna aysanjirin, Markiisi hore wuxuu ahaa nin aad u firfircoon oo nin karmeed ah Xaafidul Quraan ah wuxuu ahaa ruux waxbartay wuxuuna ahaa ruux ka fog dhamaan balwad nuuc walbo oo ay tahay.

Khaliil ayaa soo noqday Macalin Organka garaaca wuxuu kaloo kasoo shaqeeyey Warbaahintii Idaacadii Iyo Tvgii Horn Afrika Isaga iyo Aabihiisba.