Maxaa ka jira in la hakiyay fadhiyada Golaha Shacabka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ayaa ka hadlay sababta uu u baaqday furitaanka kalfadhigii maanta loo ballansanaa ee baarlamaanka Soomaaliya.

Qaar kamid ah xildhibaanada ayaa sheegay in aysan jirin sabab lala soo wadaagay oo furitaankii kalfadhiga uu maanta u baaqday, haddii ay ahaan laheyd sabab la xiriirta dagaalka lagu dhawaaqay ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Anaga wax nasoo gaaray oo dhanka baarlaaanka nooga yimid ma jiraan, howsha sideedii ayey ku socotaa, waxaa iska jiro warar suuqa ah oo saxaafadda qeyb ka tahay oo ah in kulamada baarlamaanka dib loo dhigayo, balse anaga wax nasoo gaaray ma jiraan,” ayuu yiri Xildhibaan Cali Xaaji oo la hadlay saxaafadda.

Wuxuu sidoo kale hadalkiisa kusii daray “Wararkaas wax la isku haleyn karo maahan, howsha sideedii ayey ku socotaa, marka waqtigeeda la gaaro waa la eegayaa sida badana arrimaha lagama hor dhaco ee waqtigeeda ayaa lala sugaa.”

Sidoo kale Xildhibaan Qaali Shire ayaa sheegtay in kulanka baarlamaanka uu maanta u baaqday sababo la xiriira inta badan xidhibaanada oo safar ugu maqan dalka.

“ Sida nagula war-geliyey fasaxa wuxuu ku ekaa maanta oo 25-ka bisha October ah, waana waxa aan u taaganahay oo aan inta u imid, wuxuu u baaqday maadaama xildhibaano badan oo uu ku jiro guddoomiyaha ay ka yimaadeen safar,” ayey tiri Qaali Shire.

Waxay hadalkeeda kusii dartay “Waxaa nala balamiyey 6-da bishaan, waa imaan doonaa insha Allah, waxaa noo yaalla shaqo badan.”

Baaqashada kulanka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli la hadal hayo in kulamada baarlamaanka loo joojiyey sabab la xiriirta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo ka bilowday qeybo badan oo dalka kamid ah.