Maxaa ka jira in la kordhinayo saamiga Itoobiya ee dekadda Berbera iyo qorshaha cusub ee Imaaradka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta magaalo xeebeedka Berbera socdaal ku tagay Wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide iyadoo wafdigana uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar.

Sidoo kale waxaa magaalada Berbera gaaray Madaxweynaha Maamulka la magac baxay Somalland Muuse Biixi iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland.

Wafdigan ayaa ka qeyb galaya xaflada xariga looga jarayo Dekeda Berbera oo Shirkadda DP World ay ku sameysay dib u casriyeyn iyo ballaarin Dekeda Berbera oo dhowaan dib loo howli doono.

Heshiiskii saddex geesoodka ee sanadkii 2018 dhex maray Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhigayay in 51% saamiga horumarinta Dekeda ay yeelato DP World, 30% ay yeelato Somaliland, halka dowladda Itoobiya ay yeeaneyso 19%.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Itoobiya aysan ku qanacsaneyn saamiga ay ka heysato dekadda Berbera iyadoona Imaaradka ay arrintaasi kala hadashay dhowr jeer.

Imaaradka Carabta ayaa dhanka kale ku fashilmay dekadda magaalada Boosaaso ee Puntlanad halkaa oo wax horumarin ah aysan ka sameynin, waxaana suuragal ah in Imaaradka uu ka wareegsado Puntland.