Maxaa ka jira in la xaliyey khilaafkii Farmaajo iyo Rooble?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo la hadlay ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Nairobi ayaa meesha ka saaray in khilaaf uu kala dhexeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Horraantii bishan ayay ahayd markii ay warqado u muuqdo kuwo la isugu jawaabayo ay ka soo kala baxeen xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, arrintaas oo dhalisay tuhun ah in labada mas’uul uu khilaaf soo kala dhexgalay.

“Heshiis ayaan nahay, dalkaas haddaan heshiis la ahayn ma soconayo oo qar ayuu ka sii dhacayaa. Anniga iyo madaxweynaha waxaa naga go’an in dalkaas aan gaarsiinno doorasho annaga oo wada soconna, si nabad ah, oo xasillooni ku jirto oo isfahan ku jiro. Wax caqabad ah ama wax khilaaf ah ma jiro,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Rooble.

Wareegtada madaxweynaha ayaa ku soo beegantay xilli Muqdisho ay ku soo wajahneyd wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya, Raychelle Omamo.

Maalmo kadibna, ra’iisal wasaare Rooble ayaa u safray Kenya si uu wadahadal ku aaddan xiriirka labada dal ula yeesho madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Safarka Rooble ayaa dhaliyay in dadka qaar ay ku eedeeyaan in uu heshiis ku aaddan arrimaha khaadka iyo muranka badda uu la geli rabo Kenya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa si cad u beeniyay in uu wax heshiis ah la galay Kenya.

“Waxaan idiin sheegayaa halkan in aan wax saxiixo uma iman. Waxaan kale oo rabaa in shacabka Soomaaliyeed aan u sheego in dhulka, cirka iyo badda Soomaaliyeed ay yihiin lama taabtaan. Maanta iyo berri toona igama fileysaan in aan ka hadlo arrinta badda ee taalla maxkamadda Hague oo aan dhawaan ka sugeyno jawaabta,” ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sanadkii u dambeeyay gaaray meel hoose, waxaana labada dal ay kala qaateen safaaradaha.