Maxaa ka jira in Mahad Salaad laga qaadi doono Agaasimaha NISA?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guuxa ka jira Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in isbadel lagu sameyn doono maalmaha soo socda.

Wasiirka Arimaha gudaha,Federaalka iyo dib uheshiisiinta Xukuumada Axmed Macalin Fiqi ayaa laga yaabaa in loo magacaabo agaasimaha Hay’ada NISA. Sidookalene  Mahad Maxamed Salaad loo wareejin doono wasiirka arimaha gudaha soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa si aad ugu niyad jabay shaqada Mahad Salaad, lagana wareejin doono agaasimaha NISA si loo dar dar geliyo duulaanka Shabaab iyo nabad soo celinta Amniga dalka.

Fiqi oo mar jagadaas soo qabtay Dawladii madaxweyne Sheekh Shariif ayaa lagu amaanay shaqada uu qabtay, qibradna uu u leeyahay qabashada xilkaas, taasna ay sababtay in loo wareejiyo Hay’adda NISA.

Dhaliilo badan ayey dawlada soomaaliya la kulantay markii Agaasimaha NISA umagacowday Mahad Salaad hadana waxaa sii kordhay amni darada,welina Hay’ada isbadelkii la filayey lama imaan.