Maxaa ka jira in Sheekh Mukhtaar Roobow uu kamid yahay golaha Wasiirada cusub?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Liiska golaha Wasiirada ee xukuumada Ra’iisul Wasaare Xamsa Bare ayaa laga soo waramayaa in Mukhtar Robow uu ka soo muuqan doono xubnaha golaha wasiirada cusub.

Shsekh Mukhtar Robow ayaa la sheegay in lagu qorey wasiirka Awqaafta, lama oga in go’aankaaa wax iska badali karaan iyo in kale iyadoo ay jiraan diidmo xoog leh oo ka imaaneysa Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo xildhibaano Barlamanka JFS ee Ka soo jeeda KG.

Sidookale Sheekh Adan Madoobe ayaa isna dhankiisa diidmo ka muujiyey in Cabduqaldir Maxamad Nuur oo hadda ah wasiirka Gaashaandhiga DFS in dib loogu magacaabo xilkaan balse lama xaqiijin karo.